Ismahurto Book Cover
Book Launch Event

Ismahurto About the book

Buuga Ismahurto waxa uu ku saabsan yahay qisooyin jacayl, dhibaatooyinkii dalka ka dhacay, iyo taariikho Soomaaliyeed intii u dhaxaysay 1990-kii ilaa 1998-kii.

Waqtigaas waxa uu ahaa mid ka mid ah xilliyada ugu dhibaatada badan ee taariikhda Soomaaliya, isaga oo werinaya dagaalo sokeeye, bur-bur bulsho, iyo ku xadggudbidda xuquuqda aadanaha, laakiin sida oo kale waxa uu muujinayaa sida jacaylka iyo deriswanaaggu ay u noqdeen qaar ka mid ah xoogaga ugu muhiimsan ee dadka ka caawinaya in ay ka gudbaan xiliyadaaas adag.

Marka aan ka hadlayno sheeko jacayl, waxaa laga yaabaa in maskaxdeenna ay u soo dhawaato aragtida ah in jacaylku uu yahay wax sahlan, farxad leh, oo aan dhibaato lahayn, khiyaa-no mooyee aan si kale na la isu waayi karin ama la gu midoo-bi karo rafaad la'aan. Si kastaba ha ahaatee, buuggan waxa uu muujinayaa in jacaylku mararka qaar uu la kulmo caqabado waaweyn, iyada oo dadku ay u baahan yihiin in ay la qabsadaan xaaladaha adag ee nolosha. Dhawrista jacaylka ayaa ah mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee lagu muujinayo buuggan, waxaana uu qayaxayaa sida jacaylka u noqon karo il rejo iyo farxadeed xitaa xilliyada ugu madow.

Date October 16, 2025 | 6:30 PM
Time Remaining
00 Days
00 Hours
00 Minutes
00 Seconds
Location Hotel Aljaziira | Gaalkacyo
Author Maxamed Ciise Cismaan
Scroll for more

About the Event

Ku soo biir habeen xusuus mudan oo aan ku xusayno daahfurka dhiganaha "Ismahurto" sheeko awood leh oo isku xiraysa taariikh, jacayl, iyo adkaysiga ruuxa Soomaaliyeed. La kulan qoraaga, ku raaxayso bandhiga, kana mid noqo dadka ugu horreeya ee helaya koobiyo saxiixan.